War Deg Deg Ah : Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay degaan cusub oo ka tirsan gobolka ….

0

Arabsiyo News—Dagaalyahano taabacsan Al-shabaab ayaa xalay dagaal kula wareegay degaanka Ceel-wareegow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo saldhig ku lahaa degaanka Ceel-wareegow ayaa xalay la dagaalamay xoogaga Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay markii dambe halkaas isaga baxeen, ayna degaanka maamulkiisa la wareegeen xoogaga weerarka soo qaaday.

Baraha internetka ee taageera Al-shabaab ayaa qoray in weerarkaas ciidamada dowlada loogu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hase ahaatee ma jiraan warar madax banaan oo sheegaya khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili ay soo baxeen shalay warar sheegaya in xoogaga Al-shabaab ay sidoo kale la wareegeen degaanka Muuri oo ku dhow degmada Afgooye ee isla gobolka Sh/hoose.

Weeraradan ayaa u muuqda kuwo Al-shabaab ay dardar gelineyso qabashada degaano cusub, iyagoo ka faa’iideysanaya dowlada Somalia oo ku mashquulsan doorashooyinka dalka laga qaban-qaabinayo.

 

 

Arabsiyo.com

ArabsiyoNews@gmail.com