Arabsiyo News–Faahfaahino ayaa ka soo baxaya weerar hubeysan oo xalay ka dhacay degmada Mandhera ee gobolka woqooyi bari Kenya.
Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in rag hubeysan oo isku soo qariyey dharka dumarka ay weerareen hoyga gudoomiyaha degmada Mandhera Cali Roba.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in ilaalada gudoomiyaha iyo kooxaha weerarka soo qaaday ay dhexmartay israsaaseyn xoogan oo sababtay khasaare nafeed.
Ugu yaraan hal ruux ayaa ku naf waayey rasaasta la isweydaarsanayey kaasoo la sheegay inuu waardiye ka ahaa iskool hoose dhexe oo goobtaas ku dhow, waxaana haleelay rasaas habow ah.
Kooxihii weerarka soo qaaday ayaa goobta ka baxsaday, waxaana saraakiisha Booliska Kenya ay sheegeen iney ka tirsanayeen Al-shabaab ayna doonaayeen iney dilaan gudoomiyaha degmada Mandhera.
Arabsiyo.com
ArabsiyoNews@gmail.com








