War Deg Deg ah FBI oo qabatay koox Maraykan ah oo qarxin rabay dhismeyaal ay Soomaali degan yihiin + Sawiro

0

War Deg Deg ah  FBI oo qabatay koox Maraykan ah oo qarxin rabay dhismeyaal ay Soomaali degan yihiin + Sawiro

America{ Arabsiyo News}–Heyadda dembi baarista Mareykanka ee FBI ayaa sheegtay in la xiray saddex nin oo Mareykan ah kuwaasoo lagu eedeeyey iney qorsheynayeen in ay weeraraan masaajid iyo guryo ay daganyihiin qoysas Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Garden City ee gobolka Kansas ee dalkaan Mareykanka.

Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Mareykanka Tom Beall ayaa sheegay in ragga kala ah Curtis Allen, Gavin Wright, iyo Patrick Stein, la xiray Jimcihii isla markaana lagu soo eedeeyey dhamaantood dembiyo la xiriira argagixisanimo.

Kooxdan xagjirka ah ayaa Tom Beall waxaa uu sheegay iney qorsheysteen in ay dhigaan gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey afarta gees ee daar dheer oo ka kooban dhowr qeybood taasoo ay daganyihiin Soomaali fara badan.

Qorshaha weerarkan ayaa ahaa in la fuliyo 9-ka bisha November ee soo aadan oo ah maalin ka dib marka ay dhacdo doorashada madaxtinimada dalka Mareykanka, waxaana saraakiisha FBI-du ay sheegeen inm muddo sided bilood ah lagu daba jiray raggan la soo xiray oo kan tirsan koox maleeshiyo la mamnuucay oo lagu magacaabo (The Crusaders).