Juba (AN) Dowladda Koofurta Sudan ayaa been abuur ku tilmaamtay warar saacadihii la soo dhaafay suuqa la soo geliyay, kaasoo sheegayay inuu geeriyooday Madaxweyne Salva Kiir.
Afhayeenka Madaxweynaha Ateny Wek Ateny oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa beeniyay warkaas, isagoo sheegay in Madaxweynaha uu nool yahay, isla markaana uu caafimaad qabo.
“Waxaa ku wargelinayaa muwaadiniinteena oo dhan in, warka sheegaya ee saacadihii la soo dhaafay soo baxay ee lagu baahiyay baraha bulshada ee ahaa inuu dhintay Madaxweyne Salva Kiir, waa been”ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Ateny Wek Ateny.
“Markii aan maqlay wararka xanta ah ee suuqa la soo geliyay, waxaa aaday gurigiisa, waxaa arkay isagoo buugaag ku akhrisanaya qeybta Library”ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha.
Baraha Bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu baahiyay warar ku saabsanaa xaalada caafimaad ee Madaxweynaha Koofurta Sudan iyo inuu geeriyooday.
“Madaxweyne Salva Kiir waa caafimaad qabyaa, wuxuuna si caadi ah u gudanayaa waajibaadkiisa shaqo, xafiiskiisa ayuu ku sugnaa maanta illaa 3-dii galabnimo, wax dhib ah ma qabo”ayuu yiri Ateny Wek Ateny.
Ateny ayaa ku eedeeyay Warbaahin ay ka mid ah Idaacada Codka Mareykanka ee VOA inay baahiyeen wararka ku saabsan inuu xanuunsan yahay Madaxweyne Salva Kiir
Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemay magaalada Juba ee Caasimada Koofurta Sudan, kaddib markii ciidamo aad u fara badan la soo dhoobay waddooyinka, waxaana arrintan ay keentay shaki aad u weyn
Arabsiyo.com
Hargaysa Office








