Arabsiyo NewsDadka ku biiriya kooxda xagjirka ah ee ISIS ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq, ayaa la ogaaday ina u badan yihiin aqoonyahan ka baxay jaamacado ku yaal dalalkooda.
Sida lagu baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska ooMaankaab soo xigtay, warbixin uu soo saaray Baanka Adduunku oo ah xog laga soo ururiyey kooxda ISIS dhexdeeda, ayaa caddaysay in badanka dhallinyarada cusub ee ka mid noqonaya kooxdan argagixisada ahi ay yihiin dad waxbartay oo dhammaystay dugsi sare, halka saddex meeloodow meeli ka baxeen jaamacad.
Xogta Baanka Adduunka oo laga ururiyey 3,803 cilmi-baadhis laga fuliyey dad ka mid ah kooxda ISIS, waxay noqotay in dhallinyarada ku biirta ururkan ay boqolkiiba 15% keliya ka tagaan waxbarashadooda iyagoo dhammaysan dugsi sare, halka boqolkiiba 2% keliya ay yihiin dad aan aqoon lahayn.
Waxa kaloo warbixinta lagu ogaaday in inta badan xubnaha doorta inay ku dagaallamaan is-qarxinta naftooda inay u badan yihiin kuwa bilaa shaqada ahaa ama taariikh ciidan millatari lahaa.
“Faqiirnimadu maaha wax ku hoggaamiya xagjirnimada, xubnaha dibadda ay ka soo qortaan Daacish ee ka yimaada Bariga Dhexe, Waqooyiga Afrika, Koonfurta iyo Bariga Aasiya waa aqoonyahanno marka loo eego gobolkooda,” ayey tidhi warbixintu.
Kooxda ISIS oo xubnaheeda ka soo qorata dhammaan qaaradaha adduunka oo dhan, waxa sida warbixintu xustay dalalka ugu horreeya ee ay ka tagaan ka mid ah; Sacuudiga, Tuunisiya, Marooko, Turki iyo Masar. Sidoo kalena, xubnaha kaga biira waddamada aan Muslimka ahayn waxa safka hore kaga jira Ruushka, Faransiiska iyo Jarmalka.









