AL-SHABAAB OO SOO BANDHIGTEY MUUQAALKA SARKAAL GACANTEEDA KU JIRA OO CODSI U DIRAAYA DAWLADIISA YUGANDHA IYO MADAXWAYNE YUWERI MUSAFANI.

0

Xarakada Alshabaab ayaa soo bandhigtay codsi uu dawladiisa u diraayo sarkaal maxbuus yugaandhiis ah oo gacantooda ku jira isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen badhtamihii sanadkii aan kazoo gudubney.

Askarigan oo lagu magacaabo Masassa M.Y waxa uu Ciidamada Meliteriga ee dalka Uganda kusoo biiray Sannadkii 2009kii, isagoona ka mid ahaa cutubyo ka tirsan Ciidamada Amisom oo Sannado ka hor lagu soo daabulay dalka Soomaaliya.

sar

Sarkaalkan ka mid ahaa ciidamada nabad ilaalinta ee ku jirey ciidamadii Ugandha ee deganaa Xerada Janaale ayaa waxa uu fariinttiisani si toos ah ugu dirayaa Madaxwaynaha Dalka Ugaandha kaasi oo uu ka codsanaayo in uu bad baadiyo noloshiisa gacanta ugu jirta alshabaab.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka