GUDOOMIYAHA XISBIGA UCID IYO DAWLADA MAREYKANKA OO SI WEYN UGA WADA HADLAY DOORASHOOYINKA SOMALILAND

0

Hargeisa {AN}-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng.  Faysal Cal Waraabe,  ayaa  magaaladda Hargaysa kula kulmay   wefti  culus  oo ka socday dawladda Maraykanka,   oo   booqsho ku yimid Somaliland.faysal-cali-waraabe

Weftigaasi  oo uu hogaaminayay  madaxa xafiiska siyaasadda ee safaaradda Maraykanku ku leeyahay  magaaladda Nairobi ee dalka Kenya,Mr.  FRAN GASKIN

Sidaasina waxaa  lagu sheegay war-qoraal ah oo saxaafadda loogu tallo galay oo xisbiga UCID ka soo saaray kulankaasi oo xalay nuqul ka mid ah uu soo gaadhay  xafiiska  wargeyska Hangoolnews.com   Kulankaasi oo  qaatay muddo  saacad  iyo dheeraad ayaa  la sheegay in labadda dhinac ay diiradda ku saareen xaaladda guud ee Somaliland  gaar ahaana arrimaha siyaasadda  ee wakhtigan ka taagan Somaliland iyo sidoo kale  arrimaha nabadgelyo iyo siyaasadeed ee   mandaqadda geeska Afrika.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu uga xog waramay weftigan Maraykanka ah in guud ahaan xaalada siyaasadeed ee Somaliland ay  haatan aad u fiicantay.  Waxaanu si gaar ah u tilmaamay   in  dabayl  nabadeed  oo wanaagsan ay ka socoto degaamada Bariga Somaliland, isagoo    rejo weyn  ka muujiyay in  dedaaladda  nabadeed ee ka socda dhinaca bari  ay noqdaan kuwo  midho-dhala, isla markaana  guul la taaban karo  laga gaadho si loo xoojiyo dhismaha iyo midnimada Somaliland.

Sidoo kale waxay labada dhinac si qoto dheer uga wadda hadleen halka ay marayso u diyaar garowga doorashooyinka la filayo inay  Somaliland ka   dhacaan sannadka soo socda.

Guddoomiyaha UCID, waxa uu faah faahin ka siiyay weftiga   caqabadaha hor taagaan arrimaha doorashooyinka Somaliland, hase yeeshee wuxuu u caddeeyay   in wax badan laga qabtay  hawlaha loogu diyaar garoobayo  doorashooyinka.

Waxyaabo  bada-na ay dhiman yihiin,  dhawaanna la kala qaaday labada doorasho ee golaha Wakiiladda iyo madaxtooyadda kadib markii ay soo baxeen murano   iyo cabashooyin  ku salaysan Saami qaybsiga Kuraasta Wakiilada.Iyadoo   ay hore cabasho uga muujiyeen goboladda qaarkood arrinta   Saami qeybsigii hore ee ay ku salaysnaayeen  Kuraasta Wakiiladu.

Dhinaca kale qoraalkaasi uu xisbiga UCID soo saaray waxa lagu sheegay  Eng. Faysal, uu  dawlada Maraykanka ka codsaday in ay gacan dhaqaale ka gaysato qabsoomida doorashooyinka Somaliland ee sannadka soo socda.

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe, waxa uu  sheegay   dublomaasiyiintan inuu  rejo weyn ka qabo in  doorashadda  madaxwayne-nimada ee la qorsheeyay  in ay dalka ka dhacdo bisha March ee sannadka 2017-ka  ay ku qabsoomi doonto wakhtiga  loogu tallo galay, maadaama oo ay guul ku dhammaatay diiwaangelintii  codbixiyeyaasha ee ka qabsoontay guud ahaanba goboladda  dalka.

Arabsiyo Desk
ArabsiyoNews@gmail.com