Top Secret : Akhri Nin Gubay Shahaadooyinkiisii Iyo Waxyaabaha Uu Soo Bartay Iyo Waxa Ku Kalifay Inuu Sidan Sameeyo
Riyaad (AN) Dhakhtar dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Sacuudiga laguna magacaabo Muhana’Al-Canasi ayaa sheegey in uu marnaba filayn in waxbarashadii sannadaha badan ahayd ee adka u adkayd marka ay dhammaato uu shaqo ku waayi doono shahaadadiisa takhasuska caafimaadka ilkaha ah, muddo laba sano ahna shaqo la’aan isaga dhex joogi doono dalkiisa.
Hadaba markii ay taasi ku dhacday ninkaasi ayaa waxa uu kaga jawaabay in uu shahaadadiisii jaamacadda soo qaado ka dibna uu dadweyne tiro badan hortooda ku gubo, isagoo shandadihiisa ama boorsooyinkiisa u xir xirtey tahriib shaqo raadis ah.Dr. Canasi ayaa Bishii May 15-kedii Sanadkan 2016-ka waxa uu shahaadadiisa jaamacadda ku hor gubay dhismaha wasaaradda adeegga madaniga ah iyo caafimaadka ee dalka Sacuudiga, oo uu ku eedeeyey xad-gudub in ay ku samaynayso muwaadiniinta shaqo doonka ah, muddo laba sano ah oo uu shaqo raadis ahaana uu kala kulmay dulmi.
Dhakhtarkan oo la hadlay wargeyska Huffington Post ee dalka mareykanka kasoo baxa ayaa sheegay in go’aankaasi uu ahaa kii ugu adkaa ee uu illaa hadda qaatay noloshiisa oo dhan, waxauuna sheegay in dhibtu aysan ahayn dalkiisa ama jaamacaddiisa balse ay tahay nidaamka maamul iyo shaqaalaysiinta ee dalkiisa iyo in badan oo dalalka dunida ahba ka jira.
Dr. Canasi waxa uu sheegay in uu quus ka istaagay in uu sifo xalaal ah shaqo kaga helo dalkiisa, iyo shaqooyinka asal ahaanba soo baxaya oo aad u yar, iyada oo ay mararka qaarkood dhacayso in 3 dhakhtar oo ilkaha ah loo baahdo laakiin tartanka ay galaan dhakhaatiir ka badan todoba boqol oo qof.Gubista shahaadadan oo uu Dr. Canasi ka duubay muuqaal kadibna soo dhigay barta uu ku leeyahay bar-kulanka bulsho ee twitter-ka ayaa dood badan ka dhex dhaliyey muwaadiniinta Sacuudiga, waxaana bilowday ol’ole internet ka ah oo loogu magac daray, “Dhakhtar Gubaya Shahaadadiisii” kaas oo arrimaha ugu muhiimsan ee dadku ku soo bandhigeen ay ka mid tahay shaqaalaysiinta dalka oo gashay weji iyo garasho iyada oo dhinac la iska dhigayo sharcigii shaqaalaysiinta ee muwaadiniintu u sinnaayeen.
Marka aanu eegno soomaaliya dulmiga iyo cadaalad darada xaga shaqooyinka si xoog leh ayey uga jiraan iyadoo qabyaalad iyo weji garasho lagu bixiyo.








