Fanaanadii Princess Istaahil Oo Guursatay Una Quus Goysay Rag Badan Oo Damac Iyo Hunguri Kaga Jiray Inay Nolol La Qaybsadaan.

0

arooskii-princess-istaahil

Jig-jiga (Arabsiyo News) Waxaa maalintii shalay ahayd si rasmi ah ay u iclaamisay fanaanadda reer jig-jiga ee markaasi loo yaqaano Princess Istaahil guurkeeda iyo saygay ka calmatay ragga idilkood.

Waxaana guurkan fanaanadda Princess Istaahil la qaybsaday wiilka lagu magacaabo Fatxi cali kaas oo ka qabsoomay xarunta caasimadda u ah ismaamulka soomaalida itoobiya gaar ahaan hoolka sayidka .

In kastoo fanaanaddan Princess Istaahilay rag badan daneynayeen guurkeeda hase yeeshee calafka iyo nasiibku ugu daray wiilkan ay soo bandhigtay ayaa quus iyo candhuuf dib u liq waxa ay ku noqotay dhamaan raggii safafka hore kaga jiray guurka iyo nolosha ay la qaadan lahaayeen fanaanaddan.

Karin News waxay hambalyo u diraysaa fanaanadda Princess Istaahil iyo saygeeda Fatxi cali waxaana dhamaan bahda KARIN NEWS oo isku duuban ay leeyihiin noqda reerkii lagu badhaadho ubad khayr qabana kala hela aamin aamin .

ArabsiyoNews@gmail.com

Jig-jiga Office