MADAXWEYNAHA JABUUTI OO KA HADLEY SABABTA UU UGA BAAQDEY IN UU KA QEYB GALO SHIRKII IGAD EE MOQDISHO KA DHACAY + MUUQAAL.

0

Jabuuti (Arabsbiyo-News):- Madaxweynaha dalka Jabuuti Muddane Ismaciil Cumar Geele ayaa waxaa uu markii ugu horeysay ka hadley sababta uu uga baaqdey in uu ka qeyb galo shirkii urur gobaleedka IGAD ee dhawaan Moqdisho lagu soo gabo gabeeyey

Geele

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in uu dagaal xoogan u galay sidii uu shirkaasi Moqdisho sanadkan loogu qaban lahaa shirka IGAD waxaana uu yidhi

” Runkii dadaal weyn baan u galay sidii shirka IGAD Moqdisho loogu qaban lahaaa ,  alxamdulilaah shirkii wuxuu u dhacay sidii ugu quruxda badneed , anigu shaqsiyan ruuxeygu halkaas buu joogay jasadkeyguna halkan buu joogay  oo waanigii dhexda ka soo noqdey khal khal  ku dhacey  diyaarada awgeed ” ayuu yidhi madaxweyne Ismaciil Cumar Geele

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan