Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo kaasoo dhexmaray ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Somalia oo dhinac ah iyo xoogag taabacsan Al-shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu qarxay markii xoogaga Al-Shabaab ay weerar culus oo lama filaan ah dhowr jiho kaga soo qaadeen degmadaas oo ay gacanta ku hayeen ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan iyo kuwo Soomaali ah.
Labada dhinac ayaa dagaal saacado qaatay oo faraha looga gubtay waxaa uu galabta ku dhexmaray gudaha degmadaas, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn laga maqlayey gudaha degmadaas.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa la sheegay iney gebi ahaan la wareegeen maamulka degmada Ceel-waaq, iyadoo ciidamada Kenya iyo kuwii dowlada ay isaga baxeen degmadaas, iyagoo u talaabay dhinaca Ceelwaaq Kenya.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkan kaasoo aan tirakoob sax ah laga heynin, waxaana jira warar sheegaya in Al-shabaab ay dagaalkan ku qabsatay gaadiid dagaal, mana jiro war ka soo baxay saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowlada oo ku saabsan dagaalkan.
Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco boggan wararkeena dame insha allaah.








