ub laga soo dejiyay Dekada Boosaaso oo gacanta lagu dhigay +Ninkii Watay oo …

0

Boosaaso {Arabsiyo News}—Ciidamada Amaanka maamulka Puntiland ayaa gacanta ku dhigay biskoolado lagu soo qariyay doon ganacsi oo ka timid dalka Yaman, waxaana bisooladahan la doonayay in si sharci daro ah lagu galiyo magaalada Boosaaso.

Taliyaha qeybta booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa Warbaahinta u sheegay in gacanta ku dhigeen hub lagu soo qariyay Doon ganacsi, waxa uuna tilmaamay in hubkan iyo rasaastoodaba laga keenay dalka Yemen.

Hubkan Ciidamada qabteen oo ahaa bistoolado iyo ninkii watay ayaa lagu wareejiyya Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntilnad, waxaana Maxkamada durba u fadhiisatay dacwada ninka hubkan watay oo magaciisa lagu sheegay Saalax, waxa ayna Maxkamada ku riday 20-sano oo xabsi ah.

Hubka sharci darada ah ee inta badan lasoo galiyo deegaanada maamulka Puntiland ayaa la sheegay in laga keeno dalka Yaman ay hada ka jiraan colaad sokeeye, waxaana hubka qaarkood loo keenaa qaab ganacsi.

 

Arabsiyo Desk

Arabsiyonews@gmail.com