MAXKMADA SARE EE SOMALILAND OO ICLAAMISAY  XILIGA AY DHAGAYSANAYSO DACWADA FAYSAL IYO JAMAAL

0

Hargaysa {Arabsiyo News}–Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Axada bilaabaysa dhagaysiga dacwadda xisbiga UCID, ka dib markii uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe rafcaan ka qaatay go’aan ay guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadu hore uga gaadheen khilaafkii xisbiga.

faysal vs jamaal

Dacwadan oo ah dacwad siyaasadeed oo xaasaasi ah, ayaa waxa fadhigeeda goob joog noqon doona Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen oo uu khilaaf ba’an oo siyaasadeed u dhexeeyo

Dadweynaha ayaa si weyn ugu dheg taagaya natiijada ay maxkamadda sare ka soo saari doonto dacwadan oo muddo dheer soo socotay.

 

Arabsiyo Desk

Arabsiyonews@gmail.com