Murashax Jamaal Cali Xuseen Oo Quus Ka Taagan Dacwada Xisbiga UCID Ee Maxkamadda Ku Jirta Kuna Haftay Badwaynta Siyaasadda

0

Murashax Jamaal Cali Xuseen Oo Quus Ka Taagan Dacwada Xisbiga UCID Ee Maxkamadda Ku Jirta Kuna Haftay Badwaynta Siyaasadda

Murashaxa mansabkiisa lagu muransan yahay ee Jamaal Cali Xuseen ayaa quus ka taagan dacwada xisbiga UCID ee maxkamada sare ku jirta taasi oo aanu haysan dariiq sharci oo uu u raaco dhanka khilaafka ka dhexeeya isaga iyo Faysal Cali Waraabe.
Jamaal Cali Xuseen ayaa qirsan in uu ku haftay badwaynta Siyaasadda waxaana uu laayahay albaab uu ka baxo si uu dib ugu saxo qaabka uu ku soo galayo siyaasadda.
Wararka kale ayaa sheegaya in tafaraaruq ku yimi garabkiisa ka dib isagu markii uu siyaasadiisa u bedelay in uu Madaxtooyada gacan qabasho ka dalbado halka Cali Gurey iyo Rooda Axmed Yaasiina ku gacan saydheen arinkaasi.
Dacwada xisbiga UCID dhagaysigeeda ayaa la bilaabayaa 18 bishan 9aad sida ay hore u mudaysay maxkamada sare ee Somaliland