War Deg Deg Ah Xildhibaanad katirsan Baarlmaaanka Soomaaliya oo saakay Geeriyootay

0

INDIA{Arabsiyo News}–Allaha u naxariistee waxaa saakay Isbitaal kuyaala dalka Hindiya ku geeriyootay Xildhibaanad katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Xildhibaanad Faadumo Nuur.

Xildhibaanada ayaa u geeriyootay xanuun soo wajahay, iyadoona dhawaan dalka Hindiya Isbitaal kuyaala loo geeyay in lagu daweeyo, waxaana geerida Xildhibaanada noo xaqiijiyay xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaanadan katirsaneed Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee saakay ku geeriyootay dalka Hindiya.

Arabsiyo Desk

ArabsiyoNews@gmail.com