Ninkii Sababta u ahaa in la joojiyo Jaadkii dalka Kenya laga keeni jiray oo Cabsi xoogan lasoo daristay

0

Kenya {ArabsiyoNews}–Guddoomiyaha Gobolka Meru ee dalka Kenya Peter Munye ayaa sheegay in ay lasoo daristay cabsi xoogan ayna noloshiisa ku jirto halis, kadib markii lagu eedeeyay in uu sabab u ahaa joojinta jaadkii Kenya u dhoofin jirtay Soomaaliya.

Peter Munye ayaa xusay in culees badan uu kala kulmayo ganacsatada qaadka dhoofin jirtay , waxa uuna tilmaamay in uu hada ka cabsanayo in la dilo ama dhibaato loo geesto kadib markii Dowlada Soomaaliya ku eedeesay in isagu sabab u ahaa joojinta jaadka.

” Hada waxa ay qatar galiyeen nolosheeda, ma ahan mid wanaagsan qaabkan ay igula xifaaltameyn, sababta loo joojiyay qaadka anigu ma lihi ee waxaa sabab u ah shir Madaxeedka IGAD ee ka dhacaya magaalada Muqdisho” AYuu yiri Peter Munye .

Hadalka kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Meru ayaa iamaanaya ,xili Safiirka dowlada Somalia u fadhiya dalka Kenya, Ambassador Jamaal Xasan uu sheegay in ninkan uu masuul ka ahaa sababta jaadka loo joojiyay kadib markii ganacsigii jaadka uu Siyaasad u adeegsaday .

 

Arabsiyo Desk

ArabsiyoNews@gmail.com