WAR DEG DEG AH:- DAGAAL KHASAARE BADAN GEYSTAY OO KA DHACAY GUDAHA MAGAALADA LAASCAANOOD IYO XAALADA HADA MAGAALADU KU SUGAN TAHAY + SAWIR

0

Laascaanoood{Arabsiyonews}—Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in ay halkaasi ka socdaan dagaalo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo sidoo kale maleeshiyaad hubaysan.

laascaanood Dagaaal

Dagaalka oo bilowday ku dhawaad duhurkii ayaa waxa wararku intaa ku darayaan in ilaa hataana aanay istaagin dagaaladu iyada oo gudaha magaalada laga maqlaayo dhawaqa rasaasta,

Ilaa iyo haatan wali wax war ah oo rasmi ah lagama hayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi,iyada oo warar hor dhac ah oo ka soo baxayaa ay sheegayaan in uu dagaalku ka qarxay ka dib markii qaar ka mid ah ciidamada Somaliland ay toogasho ku dileen qof haweenay ah.