DHACDO UGUBA OO INAGU CUSUB:– QOYS MASALUGALAY DHIBAATO UGEYSTAY, OO KHAATIYAAN KA TAAGAN DHAGAX AANAY ARKEYN CIDA KU SHIIDEYSA IYO WEERAR HADH IYO HABEENBA

0

Ceerigaabo (Arabsiyonews.com)qoys dagan baadiyaha gobolka Sanaag ayaa waxaa lagu hayaa weeraro isugu jira dhagax iyo tuuryo joogta ah iyo dhibaatooyin ay ka mid yihiin in xoolaha habeenkii ooda laga qaado oo la dareeriyo.Masalugaleyww

Qoyskani ayaa sidoo kale laga dhaawacay gabadh yaro dhagax lagu dhuftay Hooyadani oo amuurtani ay idaacada VOAwax ka weydiisay ayaa sheegtay in ka dib markii si lama filaana xili galaba u dhaawaceen Masalugalay isla habeenkiiba uu dagaal ku bilaabmay.Masalugaleyww

Qoyskan oo ka kooban sided caruura iyo waalidkood waxaa mushkilad ku noqotay dhagxaan mudo shan iyo labaatan cisho ah lagu soo tuurayay, oo  wax muuqaal qof oo meesha dabka ay ku shitaan u soo fadhiistay iyo nabaro soo gaadhay caruurta qoyskaasi.

“Guriga oo meelkastaaba awdan tahay oo kabihii lagula dhaco ayaa imaneysaa  oo aanad arkeyn meesha uu ka soo galay waxan ku shiidayaa dhagaxuna waa uu kugu dhacayaa, oo inan yar ayaa dhash laga siiyay oo madaxa ka dakhrantay” waxaa sidaasi tidhi hooyada qoyskani

Hooyadani waxaa ay intaasi ku dartay in ay meeshi uga guureen una diga rogteen meel kale, balse aan sidaasi lagaga hadhin oo uu kaga sii batay dhagaxii lala dhacayay ee lagu soo tuurayay.

Waxaana Hooyadan wax laga waydiiyay meesha ay filayso in ay  qisadani kaga timid? Waxaanay tidhi “waxaa goor galaba la taataabtay Masalugalay ku jirtay meel goda, waxaana la moodayay Abeeso, qori ayaana lagu gujiyay oo waxaa laga dalooliyay dhabarka markii la gartay inaanay Abeeso aheyn, waa layskaga tagay, arintaasina waxaa ay Dhacday xili laga soo baxay salaada Casar,habeenimadiiba waa naloo yimid waxaana nalagu bilaabay weerarkii dhagxaanta,” Hooyada qoyskani ayaa sidaas tidhi

Midka mida culimadii qoyskani quraanka kula tacaalayay ayaa sheegay in qoyskani, ayaa sheegay in Dhagxaan Baytariyo iyo waxyaabo meel laga keenay aan lagaranayn lagu soo shiidayo qoyskani, kuwaasi oo waliba qoyan lana moodo in biyo la soo mariyay.

ArabsiyoNews.Com

Arabsiyo Desk

Xigasho: VoA