Hargeysa (AN) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Xidhiidhka Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland Jaamac Cabdilaahi (Biin)ayaa si adag u naqdiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro oo ku saabsanaa Lixda Goobood ee Woqooyiga Gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa,waxa uu sheegay inuu Cirro ka mid ahaa shaqsiyyaadkii qorshahani Sanaaduuqda lagu gaynayo goobahaasi ay Xukuumaddu kala tashatay,waxa uu sheegay in haddii uu cirro dafiro arintaasi ay keeni doonaan halkii uu shirkaasi uu ka qayb galay ka dhacay iyo cidii kale ee wax ka ogayd,waxa uu u soo jeediyay Cirro inuu laba wajiilaynta iska daayo oo uu dhinac uun iskugu lugo duwado.
Isagoo arintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi“Waxaan Warbaahinta ka sheegayaa In Xisbiga WADDANI ay had iyo goor Hadal-hays u leeyihiin Wax kasta oo lawada galo oo lagu ixtiraamo iyo Shaqadii lagu ixtiraam ee ay go’aan ka gaadhaanba marka la fuliyo inay Go’aankaasi kadaba hadlaan,Taasina ay wax udhimasho Xisbinimadooda,oo ay halkaasi umadu ka garan karto inaanay daacad u ahayn Qarankan,Axsaabta Siyaasadu Amniga kuma ciyaaraan, Siyaasadu waxa weeyi,Wax kordhi iyo waxaasi ayaan kordhin doonaa,laakiin maaha inuu Qofka Muwaadinka ah uu khal khal galiyo oo marka ay Dawladu amar soo saarto uu isaguna wax kale sheego,Waxaanu ka maqalnay Warbaahinta oo la dhagaystay”.
Waxa kale oo uu yidhi“Gudoomiyaha WADDANI ka mid ayuu ahaa,Sharciyad ayay kuyaalaan,Sharciyad distoori ah ayay raacayaan,imikana wixii lagu balamay ee ay saddexda Xisbi ku balameen ayaa la fulinayaa,Haddii uu Cirro maanta taasi ka baxo oo uu been ka sheego,shirkii iyo halkii ay ahayd,iyo Cidii gashayba,waanagaasi oo waan hadlaynaa oo waanu sheegaynaa,Waxaan leeyahay Gudoomiye dadkaasi runta u sheeg,Maalin walba ha keenin Wax Somaliland ka nixiya,ama dhibaato keena,Shalay markaad Maraykanka joogtay waadigii lahaa 18-May waa laga tashanayaa,Waa maalin qaali ah oo ay Beelaha Somaliland wada dhisteen qarankan, odayga maalintaasi inay ka Xumaatay uunbaan u aqaan oo waa loo xil qariyay”.
Waxa kale oo uu ka hadlay lixda goobeed ee Woqooyiga Hargeysa kuyaala ee muranku ka taagan yahay,waxaana uu sheegay in goobahaasi ay diwaangalinta Qaadashada kaadhka Codbixintu ka bilaamayso maalmaha soo socda oo aanay wax carqalad ahi jirin islamarkaana ay Xukuumadu isha ku hayso dhaq dhaqaaq kasta oo amniga ka hor imanaya iyo cid kasta oo ku talaabsanaysa arimo ka soo horjeeda amarkaasi Xukuumiga ah ee la gaadhay.








