Hargeysa (Arabsiyo-News):- Suldaan Mowliid Sabeyso oo ka mid ah madax dhaqameedka waqooyiga Magaalada Hargeysa oo ayaa waxaa uu maanta ka hadley lix goobood oo ku yaala waqooyiga Magaalada Hargeysa oo ay xukumadu sheegtay in ay ka bilaabseyso diwaangalnta cod bixiyaasha taas oo uu lagu muransan yahay
Suldaanka ayaa waxaa uu warbaahinta u mariyey madax dhaqmeedka reer Awdal hadlo hanjabaad u muuqada waxaana uu sheegay in ay nasiib daro ahay in habeen walba ay saladiinta rer Awdal telefiishanada la soo fadhiistaan hadlo hanjabaad ah
Sidoo kale waxaa uu sheegay in lixdaas goobood ay yahiin lix goobood oo ay degan leeyihiin isla markaana ay xukuumadu ku mahadsan tahay in ay sanaaduuqda diwaangalinta geyso
” Reer Awdal waxaan leeyahay Somaliland waad ku faa,ideeyn ee rabshka yareysta ilmaadeerayaal , lixdaas goobdna waa deegan kaygii , xukuumaduna wey ku mahadsan tahay in ay geyso sanaaduuqda diwaagalinta ” ayuu yidhi suldaan sabeyso
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan








