Hargeysa (AN )- Guddida Fulinta ee Xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa yeeshay shirkiisa caadiga ahaa oo labadii toddobaadba hal mar qabsooma, waxaana lagu gorfeeyey qodobo dhawr ah oo xaaladda dalka iyo
arrimaha xisbiga ku saabsan.Shirkan oo ka qabsoomay xarunta guud ee xisbiga maanta, isla markaana uu
shirguddoominayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, iyadoo ay ka qaybgaleen aqlabiyadda xubnaha Guddida Fulinta, ayaa saacado badan qaatay, waxaana lagu gorfeeyey arrimo door ah ay ugu muhiimsanaayeen dardargelinta hawlaha xisbiga, warbixinno la xidhiidha safarradii uu dhawaanahan xisbigu gobollada Bariga ugu maqnaa ee diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo waliba arrimo kale.
Halkan ka daawo
Arabsiyo.net
Hargaysa Office








