Moqdisho (AN):- Dowladda Mareykanka waxaa ay si kulul u cambaareyneysaa weerarkii xalay lagu qaaday maqaayadda Banaadir Beach ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan tacsi u direynaa ehelada iyo asxaabta dadkii ku geeriyooday weerarkaas bahalnimada ah, anagoo kuwii ku dhaawacmayna u rajaynayna caafimaad deg dge ah,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed laga soo saaray safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka waxaa ay sii wadi doontaa taageerada ay siiyo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda, iyadoo sidoo kalena ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ka caawin doonta sidii wadanka oo dhan loogu soo dabaali lahaa nabad iyo xasilooni.








