Gabiley(AN)Gudoomiyaha Iyo Xoghayaha Xisbiga Kulmiye ee Jaaliyada Wadanka Fiiland ay oo Mudooyinkan Ku Sugnaa Somaliland Ayaa Kormeer Ku indho indhayna Ku Soo Maray Dagmada Geed Balaadh ee Ka Tirsan Gobolka Gabiley Si Uu Ugu Kuur Galo Xaalada dhabta ah Ee Ay Ku Sugan Yihiin Dadka Deegaankani Geed Balaadh Waxaanu Kulamo La Qaatay Salaadiinta , Cuqaasha , Waxgaradka, Iyo Mamulka Dagmada Geed Balaadh oo uu Ka Xogwaraystay Baahiyaadka Arimaha Bulshada ee Dagmadani islamarkana Gudoonsiiyay Deeq Ka Koobnayd Adeegyada Wax Barshada iyo Caafimaadka
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Jaaliyada Wadanka Fiiland Axmed C/laahi Khaliif iyo Xoghayaha isla Xisbiga Kulmiye ee Wadanka Filand ayaa Faah Faahin Ka Bixiyay Deeqdani
Isagoo Ku Booriyay Inay Gacmaha isku Qabsadaan Dadka Deegaankani sidii ay Hormar uga Samayni Lahaayen Degmada Geedbalaadh Waxanu xusay In Xukuumada Axmed siilanyo Ay Ka Goantahay Waxqabad La Taaban karo Inay Ka Samayso Gobolada Dalka Marka ay Dadka Deegaanku isku Tashadaan iyagu
Salaadiinta , Cuqaasha , Waxgaradka, Iyo Mamulka Dagmada Geed Balaadh ee Damadani Ayaa Ka Mahad Celiyay Deeqdani
Si Kastaba Ha Ahaatee Gudoomiyaha Jaaliyada Wadanka Filand ee Xisbi Xaakimka Kulmiye Axmed C/laahi Khaliif oo Taagero Mug Iyo Miinsaan Leh, Ku Dhex Le Dagmadani Geed Balaadh Ayay Taasi Sobobi Kartaa in Mar Labaad Deegaankani Geed Balaadh Codkooda Siiyaan Xisbi Xaakimka Kulmiye








