Reer Oodweyne oo Roog-cas iyo Taageero Ballaadhan ku Qaabilay Murashaxa Madaxweynaha KULMIYE

0

Oodwayne (Arabsiyo News )- Dadweynaha Gobolka Daad-madheedh ee Somaliland, ayaa
taageero aad u ballaadhan oo aan loo kala hadhin iyo roog-cas ku
qaabilay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha Md.
Muuse Biixi Cabdi.

Arabsiyo News
Guddoomiyaha KULMIYE iyo wefti ballaadhan oo ka kooban xisbiga iyo
wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo booqasho ku tagay
Gobolka Daad-madheedh maanta, ayaa si layaab leh loogu soo dhaweeyey
magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka iyo tuulooyinka Ceel-same iyo
Ceel-bilcille, iyadoo boqolaal dadweyne ah oo ka kooban dhammaan qaybaha
kala duwan ee bulshada oo lulaya calamada Qaranka iyo ka xisbiga KULMIYE
iyo caleemo-qoyan ay ku soo dhaweeyeen weftiga murrashax Muuse Biixi
Cabdi, isla markaana waxay caddeeyeen sida ay u taageersan yihiin
xisbal-xaakimka iyo xukuumaddiisa oo waxqabad miisaan leh u hirgalisay.

Muuse Biixi Arabsiyo News
Guddoomiyaha iyo weftigiisa oo ka ambabaxay magaalada Burco ee xarunta
Gobolka Togdheer oo ay u hoydeen habeenimadii u dambeeyey, kadib markii
uu ka soo laabtay Gobollada Sool, Saraar iyo deegaamo ka mid ah
Buuhoodle oo uu u tagay dardargelinta hawlaha diiwaangelinta, waxa
socdaal ujeeddadiisu tahay qaabilaadda xildhibaanno ka tirsan Golaha
Deegaanka Oodweyne oo ku biiray xisbiga iyo xogogaal-u-noqoshada
mashaariic dhammaaday iyo kuwo socda oo xukuumaddu hirgelisay ku gaadhay
Gobolka Daad-madheedh, halkaas oo dadka ku nool rag, dumar da’ walba leh
iyo masuuliyiinba aanay u kala hadhin soo dhawayntooda.

Roog cas Oodwayne Muuse Biixi Abdifataah Giryaad
Soo dhawaynta weftiga oo miisaankeeda u wayni ahaa xarunta Gobolka ee
Oodweyne oo boqolaal shacab ahi kaga hortageen duleedka bari ee
magaalada kadib waxa weftiga loo galbiyey gudaha magaalada oo loogu
diyaariyey goob fagaare ah oo si bilicsan loo sameeyey, halkaas oo la
dhigay roog-cas oo labada dhinacna lagaga meegaaray calanka xisbiga
KULMIYE oo si gaar ah loogu dhigay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada
Madaxweynaha xisbal-xaakimka Md. Muuse Biixi Cabdi.

OOdwayne Muuse Biixi
Maayarka degmada Oodweyne Md. Cabdixakiim Nuur Muuse oo isaga afar
xildhibaan oo kale ay halkaasi kaga dhawaaqeen inay si rasmi ah ugu
biireen xisbiga KULMIYE, ayaa reer Oodweyne uga mahadceliyey sida
diirran ee ay u soo dhaweeyeen madaxda xisbal-xaakimka iyo xukuumadda.
“Reer Oodweynow baahideenna u wayni waxay ahayd biyaha, waxay
ballanteenu hore waxay u ahayd in ciddii biyo inoo keenta aynu wada
raacno, haddaba halkan waxaan ka caddaynayaa Guddoomiye waad ka soo
baxday ballantii aad maalintii hore ee aad noo timi noo qaaday ee biyaha
ahayd, markaa aniga iyo reer Oodweynaba waxaannu ku leenahay waxaannu
nahay KULMIYE weliba mid dhab ah,” ayuu yidhi Maayarka Oodweyne.

Arabsiyonews.com MUUSE BIIXI
Chief Caaqil Cumar Xuseen, Caaqil Cabdixakiim Cabdillaahi, Caaqil Muuse
Quulle iyo ganacsade Daahir Geeljire iyo xubnaha xildhibaannada
deegaanka ee ku biiray KULMIYE oo khudbado ka jeediyey madashaasi, ayaa
si cad u sheegay inay taageero buuxda ay u hayaan xisbiga iyo
murrashaxiisa madaxtinimada oo ay ku tilmaameen qof keliya ee ay u
arkaan in lagu aamini karo hoggaaminta Qaranka.
“Guddoomiyaha KULMIYE waxaannu leenahay Muusow abti baanu kuu nahay,
halkanina waa gobolkii abtiyaashaa, waxaannu kuu sheegaynaa innamada
aannu abtiga u nahay waanu jecelnahay, waa halkii aannu ka
caleemo-saarnay Ina Cigaal, adiguna maanta ha naga baqan ee soo dhawaw.”
Sidaas waxa yidhi Caaqil Cabdixakiim Cabdillaahi.
Sidoo kale, Badhasaabka Gobolka Daad-madheedh Md. Farxaan Xasan Cabdi,
Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Deegaanka – Md. Cismaan
Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil
Baandare, Wasiiru-dawlaha Wasaaradaha Macdanta Md. Cabdiraxmaan Axmed
Ismaaciil iyo Wasiir-ku-xigeennada Gaashaandhigga iyo Warshadaha –
Maxamuud Warsame Jaamac iyo Yuusuf Cismaan Garas iyo weliba Agaasimaha
Guud ee Warfaafinta Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), ayaa iyaguna ka
mahadceliyey soo dhawaynta bulshada gobolku ku qaabishay weftiga xisbiga
KULMIYE, waxaanay uga warrameen horumarka iyo waxqabadyada adeegyada
muhiimka ah ee xukuumaddu ka hirgelisay gobolka, kuwa socda iyo inta
qorshaha dhaw ku jirtaba, sidaasi darteedna waxa kula taliyeen
dadweynaha inay qiimeeyaan oo ay ku kala doortaan xisbiyada siyaasadda
waxqabadka.

Arabsiyo news Safarkii Muse Biix
Dhinaca kale, waxa halkaasi khudbado ka jeediyey Guddoomiye-ku-xigeenka
kowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad
Axmed Cabdi Dheere, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Jaamac
Ismaaciil Cige (Shabeel), Afhayeenka xisbiga Xasan Maxamed Cali
(Gaadhaafi) iyo weliba Xildhibaan Saleebaan Cali Cawad (Bukhaari) oo ka
tirsan Golaha Wakiillada iyo Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah Golaha
Deegaanka Hargeysa, waxaanay si dareen farxadeed ku jirto uga
mahadceliyeen soo dhawaynta wayn iyo taageerada qalbi-furnaantu ku
dheehantahay ee ay u sameeyeen reer Daad-madheedh.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada
Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad uu ku soo
xidhay oo xafladdaasi, ayaa si aad uga mahadceliyey soo dhawaynta loo
sameeyey ee ka sakow isu-soo-baxa shacabka ay ku ladhnaayeen roogga-cas
ee loo dhigay, Caano Geel, Salool iyo casuumad cunto ballaadhan oo lagu
sooryeeyay iyo hablo xidhan dharka subeeciyadda oo qaabilay.

thumbnail_DSC_3250_026
Md. Muuse Biixi waxa kaloo uu ka hadlay wada lahaanshaha Qaranka
Somaliland iyo sida aannu u saamaynayn tartanka ka dhexeeya xisbiyada
siyaasadda dalka, waxaannu yidhi, “Dawladnimada iyo tartanka labada
Qarankaa wada leh oo dastuurkaa dhigaya, marka la tartamayo waxaynu
nahay walaalo tartamaya, xisbiyaduna waa wada xisbiyo Qaran oo nin
waliba waxa uu dadka soo hordhigayaa waxaasaan qabanayaa oo hebel
waxaasaan kaga duwannahay oo qaranka anigaa u qabanayaa, xisbi qolo ahi
ma jiro mid qolo wax ku doonayaana ma jiro, waayo xeerkeenuna ma
dhigayo, caqliyadna maaha ee waa in aynu ka kornaa oo aynu heer qaran u
tartanaa. Markaa waan raacsanahay in xisbiyada Qaranku cid walba u
sharraxan yihiin oo magaalooyinka iyo dalka u siman yihiin oo midna
aannu qolo ahayn ee dhammaan reer Somaliland uu wada yahay oo bari iyo
galbeed xisbiyadu u siman yihiin. Arrinta labaad, marka la tartamo
dawladda dhisantaa dadku wada leeyihiin oo way u wada dhaxaysaa, markay
saddexda xisbi tartamaan mid baa soo baxaya oo dawladda noqonaya, dadka
oo dhami xisbigaa umay codayn ee qayb baa u codaysay, laakiin markay
labada kale ku raacaan ayey dawlad xalaal oo sharci ah noqonaysaa,
kadibna waa la wada yeeshay ileyn codkii xisbigii guulaystay iyo labadii
kale ayaa la isku darayaaye sidaas ayeynu qaranka ku wada yeelanay.”
“Sidaas darteed, lama siyaasadayn karo adeegyada daruuriga ah ee dadku
wada leeyahay sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, ammaanka, booliska
iyo wixii la mid ahi ma gali karaan siyaasad ee qof waliba xaq buu u
leeyahay, qaranka ayaanay ka dhexeeyaan ee xisbi xisbi kuma xidhna,
laakiin xisbiyadu waxay kala leeyihiin anigu fikirkah iyo aragtidaha oo
ay ku kala doodaan,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Kulmiye