WAR DEG DEG AH:–MADAXWAYNE SIILAANYO IYO WAFTI UU HOGAAMINAAYO OO SAFAR KAGA JARMAADAY MAGAALADA HARGEYSA.

0

Arabsiyonews:–Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Wafti uu hogaaminaayo ayaa goor dhawayd ka ambabaxay magaalada Hargeysa.

Siilanyo

Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal iyada oo la filaayo in madaxwayne Siilaanyo uu xadhiga ka jaro mashaariic dhinaca wadooyinka ah oo xukumadu ka fulisay Gobolka Awdal iyo sidoo kale Waddada isku xidha magaalooyinka Kalabaydh iyo Dilla,

Safarka ayaa waxa ku wehelinaaya xubno ka mid ah golaha wasiirada oo u badan msauuliyiinta ka soo jeeda Gobolka Awdal.

ArabsiyoNews.com