DAAWO DALKA RUUSHKA OO GANTAALAHA DIFAACA IYO HUB KU XIDHAY CRIMEA DHOOLA TUS XOOGANA KA BILAABAY

0

Moscow (Arabsiyo News):- Dawlada Ruushka ayaa Jamhuuriyada Crimea ee uu xooga kaga soo ceshaday waddanka Ukraine ku rakibtay

gantaalaha lidka diyaaradaha awooda badan ee S-400, talaabadaas oo durba walaac wayn gelisay waddamada reer galbeedka.

russiamissile

 

Milatariga waddanka Ruushka oo dhoola tus ciidan oo aad u wayn ka samaynaya Crimea ayaa si wayn u xoojiyay awoodooda dhulkaas, waxaanay ku rakibeen gantaalaha difaaca cirka ugu horeeya dunida, taas oo loo malaynayo inay qayb ka tahay, balan qaadkii Madaxweyne Vladimir Putin uu ku cadeeyay in talaabo buuxda dalkiisu qaadi doono.

 

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA