Hargaysa(AN)Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in aanay xukuumaddu Kiraynaynin dekedda Berbera ama iibin doonin, balse ay tahay heshiiskani mid lagu maal gelinayo oo lagu horumarinayo.
Wasiir Maxamuud Xaashi oo maanta ka hadlayey madaxtooyada ka dib ansixintii golaha wasiirada ee heshiiskan, ayaa waxa uu faah faahin dheeraad ah ka bixiyey qaabka heshiiskan iyo sababaha ay ku xusheen shirkaddan ay doonayaan in ay maal geliso dekedda ee DPW.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Heshiiska maalgashiga dekeda Berbera, waxa Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeedka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ugu muuqdaa mid muhiim ah oo wakhtigan loo baahan yahay, dekeda Berbera waxay ka mid ahayd marsooyinka ugu caansan madaqada geeska Afrika iyo marin-biyoodka badda cas, maantana waxay ka mid tahay kuwa ugu dambeeya, waa marin Istaraatiiji ah, Somaliland dhaqaalaheeda waa u bud-dhig, sidaa darteed Xukuumaddan waxa ka go’an in horumarin weyn iyo maalgashi lagu sameeyo, waxaanu u dooranay shirkada DP World, waxay noqotay shirkadii ugu soo jeedinta (proposal) fiicanaatay ee ugu baayacaada fiicnaatay. Dekeda Berbera Xukuumaddu ma kiraynayso, mana iibinayso hasayeeshee waa la maal-galinayaa, Dekedana inagaa leh, waxa aynu wada abuuraynaa annaga iyo DP World shirkad maamusha hawl maalimeedka joogtada ah, oo inaga dhaxaysa, Cad ayeynu guulaynaa, inaguna waxaynu leenahay hantida iyaguna way maalgalinayaan, labadeena qolaba faa’iido doon ayeynu nahay, waxaanu u aragnaa heshiiskii ugu qiimaha badanaa marka la eego sideedii kanbani (Company) ee kaleba kii ugu fiicnaa ayaanu u aragnaa”
Maxamuud Xaashi Cabdi oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Golaha Wasiirada waxay ay ansixiyeen oo aanu soo hor dhignay hesiishkaas, waxa Xukuumadda kala shaqaynaya khuburo caalamiya oo badan, waxana aanu galinay aduun badan maadaa oo uu yahay heshiis culus oo loxodan, Somaliland-na aanay hore khibrad ugu lahayn, waxaas oo khubaro ah waxaanu lacagta u galinaynay in aanu galno heshiis sugan, cad oo aan muran badan abuurin isla markaana bad siman salka ku haya, oo maslaxadeena ka turjumaya, aad baanu ugu qanacsanahay”
Ugu Dambayntii Wasiir Maxamuud Xaashi Waxa uu sheegay in xukuumadani xaq u lahayd in ay gasho heshiiskan qaanuun iska hor taagayaana aanuu jirin, waxaanuu yidhi “Hesiishkan Xukuumadda Somaliland ee Axmed Siillaanyo Madaxweynaha ka yahay, xaq ayey u lahayd inay gasho oo saxeexdo, qaanuun iska kaayo hor taagayaana ma jiro, dastuurka qaranka waxa ku xusan si cad in Xukuumaddu ay kirayn karto ama ay iibin karto hantida ay masuulka ka tahay, Xukuumadii la doortay ee Umadda kalsoonideeda haysata ayaanu nahay, maadaama ay maanta golaha Wasiiradu ansixiyeen heshiishkaasi, waxanu gayn doonaa Golaha Wakiilada, sharaxaad badan ayaanu ka bixin doonaa, waxana aanu rajaynaynaa inuu hesiiskaasi meel mari doono Haddii EEBE idmo” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi








