DEG DEG:- RAGII DILAY TALIYIHII QEYBTA EE GOBALKA SAAXIL GAANSHALE CASAYR OO MAXKAMADA CIIDAMADU XUKUN KU RIDEY

0

Hargeysa (Arabsiyo-News):- War Deg Deg  ah oo hada soo gaadhaya xafiiska war qabadka ee shabakada Ilaysnews.com ayaa waxaa uu sheegaya in maxkamada ciidamada qalabka sida  ee Somaliland ay saaka xukun ku ridey ragii lagu soo eedeyey in ay dileen taliyihii qeybta ee Gobalka Saaxil Marxuum Gashaanle Cabdiraxmaan Yuusuf Casayr

Casayr s

Sidaaanu wararka ku helayno maxkamada ayaa waxaa ay ragan  oo tiradooda Lagu sheegy 8 Nin lagu xukumay dil toosho ah.

Ragan dilka lagu xukumey ayaa waxaa hada ay xukuumada Somaliland gacanta ku haysaa saddex ka mid ah waxaana maqan oo uu xukun kani ku dhacay 5  (Shan ) ka mid ah

sidoo kale eedaysanaayaashan la xukumay ayaa wax ku jira gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka saaxil mudane Xaamuud oo isagu ahaa ninkii ay wada socdeen gaadhigana wada fuushanaayeen taliyaha markii lasoo weeraray dilkana loo gaystay, waxaana  la sheegay in maxkamadu ku xukuntay 8 bilood oo xadhig ciqaabeed ah.

 

 

Arabsiyo Desk

ArabsiyoNews@gmail.com