Beijing, (AN) :- Dawlada Shiinaha ayaa samaysatay diyaarad nooca bariga iyo biyahaba ka wada duuli karta,
oo noqonaysa sida la sheegay ta ugu wayn dunida oo dhan, diyaaradan oo dhismaheedu socday, muddo sideed sanadood ah ayaa lagu soo gaba gabeeyay warshadii lagu samaynayay ee Magaalada Zhuhai ee gobolka Guangdong.
Diyaaradan oo loogu magac daray, AG600, ayaa culayskeeda guud noqonayaa 53 Tan, waxaanay u dhiganta qiyaas ahaan diyaaradaha Boeing 737, waxaanay diyaaradani gashay tijaabo ay kumanaan kilo mitir ku duushay oo lagu xaqiijiyay in si wacan loogu guulaystay farsamaynteeda.
Halkan Hoose ka daawo Muuqaaalkaasi








