MADAXWEYNE OBAMA OO AQALKA CAD MUNAASABAD UGU SAMEEYAY QAAR KAMID AH MUSLIMIINTA DALKAASI KU NOOL + (SAWIRO).

0

USA (ArabsiyosNews):-  Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama, ayaa aqalka cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka kusoo dhaweeyya munaasabad lagu weyneenayay Ciidul Fidrigana ugu sameeyay dad Muslimiin ah oo ka kala yimid gobolada dalka Mareykanka.

ob5

Obama ayaa ugu tala galay Munaasabadan in uu dadka Muslimiinta ah ee kunool dalka Mareykanka kula wadaago farxadii munaasabada ciidul Fidriga ee laga soo guday, waxa uuna aqalka Cad ku casuumay Muslimiin kala duwan oo Mareykanka ku nool.

ob1

Dadkii ka qeyb galay Munaasabada ka dhacday aqalka Cad waxaa ku jiray wiilal iyo gabdho Soomaali Mareykan ah, waxaana Munaasabada intii ay socotay mikirfoonka Madaxweynaha kusoo dhaweysay Caasha Cabdirizak Osman oo ah gabar Soomaali Mareykan ah.

ob2

Munaasabadan uu Aqalka Cad ku qabtay Madaxweyne Obama ayaa aheed tii ugu horeesay uu u qabto Muslimiinta kunool Mareykanka, waxa ayna kusoo aadeysa xili uu Madaxweynaha uu dhawaan faarujinayo aqalka Cad.
ob3ob4
ob6

Arabsiyo Desk

ArabsiyoNews@gmail.com