Madaxweynaha Turkiga oo ka Qayb-Galay Aas Istanbul loogu Sameeyay Dadkii Ku Dhintay Af-Gambiga fashilmay Iyo Oohin Uu Qabsaday +SAWIRRO

0

Turey {AN}–Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa waxaa maanta lagu aasay qaar ka mid ah dadkii lagu dilay afgambigii fashilmay, ee habeenkii Jimcaha ka dhacay dalkaasi.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka qaybgalay Salaaddii Janaasada oo dadkaasi loogu sameeyay Masaajidka Fatih, iyadoo sidoo kalana uu ka qaybgalay aaskooda.

Madaxweynaha oo dadka kula hadlaayay Masaajidkan, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida dadkaan, waxaana uu tacsi u diray qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen.

Sidoo kale waxaa uu ballanqaaday inay soo qab qabanayaan kuwii soo maleygay afgambigan oo qalqal-geliyay dalkaasi, isla-markaana ay horkeeni doonaan cadaaladda, si sharciga loogu qaado.

Shacabka Turkiga, ayaa lahaa sababtii ugu weyneyd ee lagu fashiliyay afgambigaasi, ka dib markii ay isugu soo baxeen wadooyinka magaalooyinkaasi dalkaasi, iyadoona la arkaayay iyagoo gacmaha ula tegaaya Ciidamadii Militariga ee ku dhawaaqay inay la wareegeen taladii dalka.

1468795597656fd.jpg

14687955983b394.jpg

14687955996778e.jpg

146879560094bea.jpg

1468795600cff67.jpg

146879560119201.jpg

1468795602da0c1.jpg

14687956027ea72.jpg

1468795603a76f0.jpg

146879560495024.jpg

14687956047d977.jpg

1468795605f9c57.jpg

1468795605b6aef.jpg

1468795606c4ab3.jpg

146879560885cff.jpg

14687956096e7a8.jpg

1468795609ab5fd.jpg

14687956109ddf2.jpg

1468795611c666f.jpg

14687956115d4a0.jpg

1468795612d6766.jpg

146879561215662.jpg