Turkey: Wararkii Ugu Dambeeyey Aan Idiinka Soo Ururinay Xaaladda Inqilaabka Fashilmay Ee Turkiga, Tiradda Khasaaraha Dhimashadda & Dhaawaca, Iyo Xubnaha Dadkii Afgabmigaasi Loo Xidhay Inay Ka Dambeeyeen

0

“Kuwa Ku Kacay Fadqalaladani Waxay Ku Kici Doonta Qiimo Wixii Ay Sameeyeen, Waa Kuwo Tiro Yar Oo Ciiddanka Ka Tirsan Waxaanay Sabab U Noqon Doonaan In Ciiddamaddeena Laga Nadiifiyo” Madaxweyne Recep Dayyib Erdogan Aragtiyaha Dalalka Muslimiinta Iyo Madaxda Dunidu Ka Bixiyeen Afgambigii Dhicisoobay Ee Madaxweyne Erdogan Lagu Qaaday Iyo Dalal Ay Fiintu Dhex Miraneyso Oo Ka Hadlay Isku Daygii Dhagareysnaa Ee ANKARA Ka Dhacay
Hordhacyar oo kooban ee halka ku haboon geli
UGU HOREYN GOOBIHII AY BARTILMAAMEEDSADEEN KOOXDA INQILAABKA WADDAY
Sarkaal u hadlay Madaxtooyadda Turkey-ga ayaa faahfaahin ka bixiyey Duqeymo qayb ka ahaa Inqilaabka dhicisoobay oo ay fuliyeen Ciiddamaddii taageersanaa in Madaxweyne Erdogan laga takhaluso, waxaana Duqaymahaasi oo ay fuliyeen Diyaaraddaha Casriga M-16s-ka loo yaqaano kuwaas oo Duqaymo u geystay isla markaana Beegsaday Goobo ay ka mid yihiin Xafiisyadda Satellite-ka laga maamula ee dawladdu leedahay kuna yaala magaaladda ANKARA ee (the offices of state satellite operator Turksat) oo ay Waaxda Wasaaradda Warbaahinta ee dalkaasi ka mid tahay iyo Xarunta Talafeeshinka Mareykanka laga leeyahay ee SNN-ta ee ANKARA ku yaala oo Diyaaraddaha F-16s-ka Milatarigu ay Gantaalo la beegsadeen, waxaana dhinaca kale Sarkaalka dawladda u hadlay uu sheegay inay Ciiddanka Madaxtooyaddu soo rideen mid ka mid ah Diyaaraddaha Milatariga ee M-16s oo duqeyn u geyatay Taanyadda Ciiddanka Qasriga Madaxtooyadda oo ay Iyada ku guuleysteen inay Ciiddanku dhulka soo dhigaan.
2.  Khudbada Taariikhiga Ah Ee Madaxweyne Recep Dayyib Erdogan  Ka Dib Fashilaadii Iqilaabkii Lagu Qaaday Iyo Hadalka Raysul Wasaare Wasaare Binali Yildirin Ee Tiradda Loo Xidhay Arinta Iyo Wixii Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhacay
Raysul Wasaaraha dalka Turkey-ga  MP Binali Yildirim, ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday inay Dawladdiisu Xabsiga u taxaabtay Laba Kun Siddeed Boqol iyo Sagaal Iyo Sodon (2,839 soldiers) oo iskugu jira Ciiddamadda kala duwan ee Qalabka  sidda ee Turkey-ga oo Saraakiil iyo Madax kale ka mid yihiin loona haysto Inqilaabka dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay waxaanu yidhi “Waxay Taariikh madaw ku tahay Dumquraadiyaddayadda Turkey-ga, in la dilay 161 Muwaadin lana dhaawacay 1,44,000 kale oo aan waxba galabsan”
Madaxweynaha Dalka Turkey-ga Sayid Recep Dayip Erdogan oo shacabkiisa si toos ah u la hadlay ka dib markii uu Madaarka Ataturk ee Magaaladda Istambuul ku soo laabtay kana badbaaday Isku daygii dhagareysnaa ee dhicisoobay laguna Afgamiyilahaa, wuxuuna ku hanjabay Wacadna ku maray Cawaaqib xumadda ficilkii ay ku kaceen lagu abaalmarin doono kuwa Qudha ka jaray 265 (1 muwaadin isla markaana dhaawacay in ka badan 1,44,000 kun oo reer Turkey ah waxaanu yidhi “Waxyar ka dib markii aan ka  baxay Deegaanka Marmaris, waxa layso sheegay inay Duqeeyeen goobtaasi , waa halkii aan hore ugu  sugnaa , waxaan qiyaasayaa inay u maleynaayeen in aan wali halkaasi ku sii sugnaa , markii ay duqaynayeen goobtaasi, kuwa arintan ka masuulka ahaa waxay ku kicidoonta oo ay heli doonaan Qiimo aad u culus, waxaana fadqalaladan fuliyey  kuwo tiro yar oo Ciiddanka Milatariga ka tirsan, kuwaas oo aan Caloosha uga midoobi karin waddankooda, waxaanay sabab u noqon doonaan in laga nadiifiyo Ciiddankeena”
3.  Hogaamiye Diimeedka Sheekh Fethullah Gulen Oo Ah Ninka Mucaaridka Dalka Turkey-Ga Ugu Weyn Tarxiilna Ugu Nool Maraykanka Oo Iska Fogeeyey Inqilaabka Fashilmay
Dhinaca kale Hogaamiye Diimeedka dadiisu tahay 75 Jirka reer Turkey ee Fadhigiisu yahay dalka Maraykanka ee lagu magacaabo cleric Fethullah Gulen oo dalkiisa dibad wareeg ka ah, balse hore ay isku Xisbi u ahaan jireen wixii ka horeeyey sannadii 2013-kii Madaxweyne Erdogan oo ay ku kala tageen Siyaasadda ka dib markii uu Receb Dayyib Erdogan ku  eedeeyey in lagu sameeyo Baadhitaan Musuq Maasuq  iyo wax isdaba marin, arintaasi oo uu Madaxweyne Erdogan u ku macneeyey inay tahay mid Hogaamiye Diimeedka Guleh Been abuur uu ka dambeeyo inay tahay, waxaana tan iyo wakhtiga wixii ka dambeeyey uu u baxsaday Mareykanka isaga oo ku jira Liiska mamnuuca ah ee loogu raadin badan yahay ee dalkaTurkey-ga, hadaba markii arintan Inqilaabku dhacday, ayaa dhankiisa uu Sheekh Gulen iska fogeeyey oo dafiray in aanu wax shuqul ah ku laheyn oo waxba ka ogeyn Inqilaabka Madaxweyne Erdogan lagu la kacay gelinkii dambe ee Jimcihii lagu la kacay, balse Garyaqaan Turkey ah oo isna lagu magacaabo Robert Amsterdam ayaa hoosta ka xariiqay inay hayaan oo jiraan calaamado muujinaaya in uu si toos ah waddaadka Fethullah Gulen ugu luglahaa waxa dunidu sida weyn u hadal hayso ee Inqilaabka fashilmay waxaanu yidhi “Waxa jira Calaamaddo si toos ah u muujinaaya in uu farogelin cad kulahaa in uu arintan  Fethullah Gulen masuuliyad kulaha”

Hogaamiyayaasha Dalalka Islaamka Iyo Madaxda Duniddu Aragtiyahooda Ay Ka Bixiyeen Inqilaabka Waddanka Turkiga Ka Dhacay.
Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka IRAN Mohammad Javad Zarif oo ku hadlaayey afka dawladdiisa ayaa Cambaareeyey falka afgambiga ahaa ee dhicisoobay Hambalyana u diray Madaxweyne Tayyip Erdogan waxaanu yidhi “Inay difaacaan Dumquraadiyadda iyo dawladda ay doorteen dadka reer Turkey, waxay cadeeyeen in aan Inqilaabka meeli uga banaaneyn gobolkeena, lagana gudbay xiligaasi”
Dhinaca kale hogaamiyayaasha dunida Islaamka ee Boqortooyadda Sucuudiga, Boqortka Bahrain, iyo Kuwait, ayaa si weyn u soo dhaweeyey isku dayga uu ka badbaaday Madaxweynaha dalka Turkey-gu Mr Recep Tayyip Erdogan iyo Xisbigiisa taladda dalkaasi haye ee la Inqilaabay iyaga oo dhinaca kale Cambaareeyey cida ku kacday falkaasi oo ay kuwo sharciga ku soo diilay ku tilmaameen.
Dalka Mareykanka, ayaa dhankiisa Cambaareeyey isku dayga isla markaana  Hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo ka badbaaday Isku dayga Inqilaab Xukuumaddisa Fiidnimadii Jimcihii ina dhaafay loogu talogalay, waxaana Xoghayaha guud dalka Mareykanka John Kerry oo Afka Madaxweyne Barak Obama ku hadlaayey yidhi “Waxaan fiidnimadii caawa (Xalay) khadka Taleefoonka kala hadlay Wasiirka Arimaha Dibadda Turkey-ga Mr Cavusoglu, waxaanan ku adkaynay in Qaranka Mareynkanku xaqiiqdii taageersan yihiin dawladda Turkey-ga ee nidaamka Dumquraadiga dawladda Rayidka ah ee dastuuriga ah lagu doortay iyo sharciyaddooda Dastuuriga ah”
Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay Ban Ki-moon ayaa sido kale Cambaareyeey Falka Isku dayga ee lagu Inqilaabayey Madaxweyne Erdogan, waxaanu ku baaqay in lays dejiyo isla markaana ay ka UN ahaan Baadhitaan mug leh arinta iyagu ku sameyn doonaan waxaana Afhayeen u hadlay Xafiiska Xoghayaha guud ee UN-ka oo lagu magacaabo Farhan Haq  yidhi ” Xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay wuxu si dhaw ula socdaa horumarka ka socda , waxaanu ka warhayaa arinta wararka ku saabsan isku dayga Inqilaabka ee dalka ka dhacday, Qaramadda Midoobay ay eegaysaa inay kala cadayso xaaladda dhulka ka jirta isla markaana codsaneysa in lays dejiyo”
Maamulka Yuhuudda oo ay dawladda Muslimiinta Turkey-ga Cadaw yihiin, ayaa afhayeen u hadlay wasaaradda Arimaha Dibadda oo lagu magacaabo Emmanuel Nahshon oo Cambaareeyey falka isku dayga Inqilaabka ee Turkey-ga ka dhacay wuxu yidhi “Israil waxay Ixtiraameysa nidaamka Dumquraadiga dawliga ee dalka  Turkey-ga, waxaanan hore u soo dhigaynaa oo u deg degsanahay sii waditaanka niddaamka dib u heshiisiinta u dhaxaysa Turkey-ga iyo Israil”
Qoraal ka soo baxay Afhayeenka Raysul Wasaaraha Dalka Jarmalka Chancellor Angela Merkel waxaanu yidhi “Waa in la Ixtiraamo in Talaabo milatari oo ka dhan ah Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxay aheyd mid la waday sida dhacday,
Guddoomiyaha iyo ku xigeenka Midawga ururka Midawga Yurub ee Donald Tusk iyo Jean-Claude Juncker, ayaa iyaguna si cadho leh uga hadlay Inqilaabka dhicisoobay ee Madaxweyne Erdogan Jimcihii Doraad lagu qaaday waxaana hadaladoodii ka mid ahaa “Dalka Turkey-gu waa Saaxiib dhaw oo Midawga Yurub leeyahay, EU waxay si buuxda u taageersan yihiin Dawladda dastuuriga ah ee la doortay iyo Hay’addaha sharciga ah ee dalkaasi iyo sharciga lagu xukumo”
Dhinaca kale Waddanka Ruushka oo Saaxiib dhaw iyo Rafiiq dhinaca Dublamaasiyadda ah ay yihiin dalka Turkey-ga, ayaa Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Russia waxa lagu Cambaareeyey Falkii Inqilaabka Fashilmay ee Madaxweyne Erdogan Jimcihii lagu qaaday waxaana warsaxaafaddeedkaasi lagu yidhi “Moscow waxay si weyn u daneynaysaa, dhacdada u dambaysay (Inqilaabka dhicisoobay ee Turkey-ga ka dhacay), marnaba ma aqbali doono wax ka duwan dawladda dastuuriga ah iyo madaxweynaha shacabka Rayidka Turkeya doorteen ee Recep Dayyip Erdogan waananu Cambaareynaynaa waxa halkaasi ka dhacay”
Dhinaca kale dawladdaha Jaban, Kuuriyadda Koonfureed iyo Suudaan, ayaa siyaabo kala duwan balse isku aragti ah u cambaareeyey, falkaasi laysku dayey in lagu Inqilaabo Madaxweynaha dalka Turkey-ga Recep Dayyip Erdogan, waxaanay cadeeyeen inay garab taagan yihiin madaxweynaha sharciga ah iyo dawladdiisa hada taladda haya iyaga oo ku baaqay in baadhitaan lagu sameeyo cid kasta oo ka dambaysay falkaasi khalkhalinta sababay.
Dhinaca kale Wargeyska Saxansaxo oo soo dulmaray Warbixin Talafeeshinka Al-Carabiya kaga hadlay Taariikhda uu dalka Turkey-gu u leeyahay Inqilaabadda qorsheysan ee gaar ahaan ay qaadaan Ciiddamadda Milatariga ee dalkaasi ayaa warbixin laga qoray arintaaso oo Ciwaankeedu yahay  (Fahanka Taariikhda Inqilaabyaddii Milatariga ee Turkey-ga soo maray  ee Fashilmay), ayaa lagu lafo guray inay tan iyo  1960-kii ay Ciiddanka Milatariga Turkey-gu ku kaceen Afgambiyo aan guuleysan iyada oo ay jireen sido kale Inqilaabyo ay sameeyeen Siyaasiin kale dalkaasi ka fuliyeen, isla markaana aanu aheyn kii ugu horeeyey ee noociisa ah ama fashilma ee Madaxweyne taladda Turkey-ga haya lagaga tuuro ama fashilma balse ay taariikho badan oo dalkaasi leeyahay dhacdooyin kuwan ka fool xun ay Saraakiisha Milatariga Turkigu ku Inqilaabeen Hogaamiyayaal dalkaasi soo maray oo qaarkoodna Shirqooladaasi la mahadiyey kuwo kalena lagu leeday