Arabsiyo News—-Aabe 64 jir ah laguna magacaabo Badrudiin Mohamed Abaas ayaa waxa uu qotay Qabri ama Xabaal uu sheegay in lagu aasi doono marka uu dhinto, kaas oo dad badan ka yaabsaday gaar ahaan qaraabadiisa iyo dariskiisa .
Badrudiin Mohamed Abaas oo u dhashay dalka Pakistaan ayaa waxa uu ku nool yahay duuleedka magaalada Karachi, wuxuuna maalin kasta marka uu ka soo baxo Masjidka soo maraa Garaash ku dhex yaal gurigiisa kaas oo ka dhex qotay Qabrigii lagu duugi lahaa ama lagu aasi lahaa marka uu dhinto wuxuuna arinkaas kala dardaarmay 2 Wiil iyo Gabar uu dhalay .









