Labo tareen oo iskula dhacay dalka Talyaaniga iyo dad badan oo ku dhintay (Daawo Sawirada)

0

Italy {AN}–Labo kamid ah Tareenada rakaabka qaada ayaa iskula dhacay magaalada Andria ee waqooyi galbeed Bari ee dalka Talyaaniga, waxaana shilkaan ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

In ka badan 10-qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shilkan labada tareen iskula dhaceen, waxaa sidoo kale shilkan ku dhaawacmay dad kale oo badan, kuwaa oo loola cararay xarumaha caafimaadka.

Shaqaalah gurmadka deg dega iyo ciidamada booliiska oo gaaray halka uu ka dhacay shilka tareenada iskula dhaceen ayaa halkaasi kasoo bad baadiyay dad badan ay caruur ay ku jiraan oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa labada tareen ee isku dhacay.

Masuul katirsan dowlada Talyaaniga oo ka hadlay shilkan ayaa sheegay in laga cabsi qabo inay sii kordhaan qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee hada la ogyahay ee ka dhashay shilka tareen .






ArabsiyoNews@gmail.com

Arabsiyo Desk