Arabsiyo News— Haweeney Muslim ah asal ahaana kasoo jeeda dalka Masar , ayaa markii ugu horeesay waxa ay xubin ka noqotay Baarlamaanka dalka Australia.
Anne Aly, oo ah Gabar Muslim ah ayaa kamid noqotay Baarlamaanka dalka Australia, waxaana gabadhan laga soo doortay magaalo ku taal Galbeedka dalka Australia.
Haweeneydan Muslimka ah ayaa katiran Xisbiga Shaqaalaha dalka Australia, waxaana xisbiga ay gabdhan katirsan tahay Baarlaaanka dalka Australia ka heleen 67-kursi.
Anne Aly, ayaa ah gabar aqoon yahanad ah waxa ay ku xeer deer tahay la dagaalanka waxa loogu yeeray argagaxisada iyo xigjarnimada, waxa ayna Hwaeeneydan ay noqotay mid saameyn badan ku yeelada dalka Australia oo hada kamid noqotay baarlamaanka dalkaasi.











