Askar Booliska Mareykanka Ka Tirsanaa Oo La Dilay

0

Arabsiyo News-Ayadoo shalay iyo daraad labo nin oo madow ah lagu dilay qeybo ka mid ah dalka Mareykanka ayna dileen askar biliiska ka tirsan ayaa haatan waxaa lagu soo waramaayaa in ilaa dhowr askari oo biliis ah dalkaa lagu dilay.
Askartaa waxaa toogtay rag hubeysnaa. Dableyda dishay askartaa ayaa dabcan ka careysnaa raggaa sida macno darrada ah oo laayay.
In dhawaaleba waxaa socotay arin soo korortay dalkaas Mareykanka oo askartu iska leyneyso dadka madow arinkaasoo caro iyo walaac badan ka dhex dhaliyay dadka madow.
Soomaalida Minnesota oo ah halka ay Soomaalidu ugu badan yihiin nin madowna shalay lagu dilay ayaa walaac badan iyo walwal haatan uu lasoo darsay maadaama booliska inta dadka madow ay joojiyaan ay iska toogtaan oo haatan ka hor xitaa la sheegay in wiil Soomaali ah sidaa oo kale boolisku u toogteen.
Askarta haatan sida aar goosiga ah loo dilay ayaa tiradoodu gaareysaa 4 ayadoo xalay lagu dilay gobolka Texas Dalas.