Addis (Arabsiyo-News):- Ra’iisal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa waxaa uu maanta booqashadiisii ugu danbeysay ee uu ku maraayey qaar ka mid ah dalalka ku yaala qaarada Africa uu ku tagi doona dalka Ethiopia
Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa uu hore booqasho ugu tagay dalalka Kenya, Uganda iyo Rwanda waxaana uu noqayaa Ra’iisal wasaarihii rer Israa’il ee muddo ku siman 30 sanno booqda dalal ku yaala qaarada Africa .
Waxaana la filayaa in wada hadalada ay yeelan doonan labadan masuul ay noqon doonan mid lagu lafo guro arimaha ganacsiga iyo mustaqbalka sagaalka kun ee Itoobiyaanka Yuhuuda ee ku nool Israel.
Sanadkii 1984-1991 ayey aheyd markii dawlada Israa’il ay diyaarado ku qaadey kumaan qof oo Ethiopian ah markaas oo ay dalka ku dhufatay abaar xoogani








