Hargeysa (Arabsiyo-News):- Salaadiin Waji Ku macaash ah oo ay xukuumada Somaliland ka soo qaatey lacag buuran oo laaluush ah ayaa warbaahinta dawlada kula hadley xarunta wasaarada warfaafinta waxaana ay ka hadleen wareejinta dekada Berbera iyo shir ay maanta shaciyeen sulaadiinta beesha Ciise Muuse .

Madax dhaqameedkan waji u macaash ah ee farahooda ka qoyanayeen lacagta laaluushka ah ee ay xukuumada ka soo qaateen waxaaa ay cod dheer ku sheegen in ay soo dhaweynayaan maal galinta dekada Berbera isla markaana saladiinta ku dhawaaqay Shirka beesha Ciise Muuse ay yahiin qaar been abuur sameeyey
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan








