Arabsiyo-News—Wararka naga soo gaadhaya magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool ayaa sheegaya in mar kale dagaal ku dhex maray deegaanka dab-dheer oo dhanka konfureed kaga beegan tuulada Dhuumay ee degmada laascaanood labadii beelood ee walaalaha ahaa ee dirirtu mudooyinkii u danbeeyeyba ka dhaxaysay.
Dagaalkan dhex maray labada ardaa ee walaalaha ah ee wada dega deegaanada ku teedsan koonfurta laascaanood ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxa la sheegay in inta la ogyahay dagaalkaa uu ku dhintay hal qof halka 2-kalena ay ku dhaawacmeen kuwasi oo la keenay cusbitaalka wayn ee magaalada laascanood.
Waxaana dagaalkani u daba socdaa dagaal dhawaan deegaanada koonfurta dharkayn geenyo ku dhex maray labada ardaa oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Odayaasha,waxgaradka,cuqaasha iyo Isimada gobolka sool ayaa iyagu ku hawlan sidii ay u damin lahaayeen colaadan ka dhex istaadhantay labada beelood iyaga oo sidoo kalena ay ciidamo tiro badan la geeyay deegaanda ay wada dagaan beeluhu.
Dhanka kale waxa iyagu shalay magaalada laascaanood gaadhay xubno wasiiro ah oo ka socda xukumadda Somaliland kuwaasi oo iyaguna ku hawlan sidii ay dhankooda kak xukumad ahaan uga qayb qaadan lahaayeen daminta shaqaaqadan, iyaga oo kulamo kala duwan la qaadanaya odayaasha waxgaradka iyo cuqaasha labada beelood.
Ugu danbayntii wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in aad loo adkeeyey amaanka magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool iyada oo la sheegay in xalay aad loo baadhayay gaawadhida maraya wadooyinka magaalada.
Ilaa hada lama garanayo sababta rasmiga ah ee ay labadan beelood dirirtu uga dhaxayso.








