SOMALILAND : WAFTI WASIIRO AH OO GAADHAY MAGAALADA LAASCAANOD + (SAWIRO).

0

Laascanood (Arabsiyo-News):-  Waftidii   balaadhnay  ee uu  hogaaminayey  wasiirka wasaarada  Arrimaha Gudaha Somaliland  Mudane  Cali Maxamed Waran Cadde  ayaa saaka Aroornimadii  Gaadhay  Xarunta  Gobolka Sool Ee Laascaanood  Halkaasi  oo waftida wasiirka ay   kusoo  dhaweeyeen   Badhasaabka Gobolka Sool  Mustafe Shiine Iyo Maamulka Gobolkaasi.

IMG_2974

Waftidan  uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland  Ayaa Maalmahanba  Safaro  kala duwan  oo Ay  ku  suganayaan  amaanka Dalka iyo  xalinta  khilaafaadka   ku  joogay  Gobolka Togdheer.

Badhasaabka Gobolka Sool oo  ugu  horeyn   la hadlay  warbaahinta ayaa sheegay  in  shaqaaqadii  shalay   ay    ka  dhacday  miyiga oo  laysla  tagay    gobolkana  ay  ku  hayaan  cudud ciidan  oo hada   ciidanka  qaranku  ku  sugan  yahay  wax   danbana  aanay  ka  dhicin

IMG_2987

Wasiirka  Arrimaha Gudaha  Oo Markii Uu Magaalada Laascaanood uu Soo Gaadhay  dhankiisa  La Hadlay Warbaahinta  ayaa  Sheegay  In cidii  wanaaga  iyo  wada  xaajoodka diida ay   gacan wax  kaga  qabanayaan waxaana  hadaladiisii  kamid ahaa “ilaahaybaa Mahada leh waxaaniu  saaka  soo   gaadhnay   gobolka sool  magaalada laascaanood  sidaa badhasaabku  sheegay  waxaa runtii  ka  dhacay  waxyaalo  naxdin  leh  oo aan  runtii  loo baahnayn,  ka  dawlad ahaana waxaanu  jecelahay inaanu  wax ka qabano  wixii  nagaga  aadan  run ahaana  waxaanu  shacabka u  sheegaynaa inaanu  gacan  wax  kaga  qaban  doono  cidii  u  hogaansami  weyda awaamiirta  qaranka oo  cudud  ciidan  u  adeegsan  doono  dabkana  la saari  doono  markaa  wixii  gaadhay  cid walbaaba  iyadaa is eersan doonta”

IMG_2989

Wasiirku  sidoo  kale  isaga oo hadalkiisa sii wata  waxaa  uu  u  bahadnaqay  guurtida sulaadiin  iyo waxgaradka  dhexdhexaadinta   hore uga  waday  goobtaasi. Waxaana  wasiirka  arrimaha  guduhu  si  nabad galyo  leh   u  dhex  luguuyey  waddooyinka waaweyn  ee  magaalada  laascaanood