Moqdisho (Arabsiyo-News):- Dowladda Somaliya ayaa soo bandhigtay meydadka raggii weeraray Hotelka Naasahablood ee Magaalada Muqdisho oo shalay galab Shabaabka ay galeen.

Meydadka la soo bandhigay ayaa gaarayay saddex ruux oo ciidamada ammaanka ay ku toogteen Hotelka, markii la soo afjaraayay weerarka Hotelka.

Guud ahaan ragga Hotelka weeraray ayaa waxa ay gaarayeen Shan ruux oo labo ka mid ah ay isqarxiyeen.
Midkii koowaad wuxuu isku qarxiyay Irida Hotelka, kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku dhuftay albaabka Hotelka.

Midka labaad ayaa isagana qarxay, kadib markii gaarigii uu waday Askar ay ku hor istaageen wadada 21-Oktobar xilli uu u sii socday Hotelka Naasahablood oo uu rabay inuu isku qarxiyo.

Afhayeenka Wasaarada Amniga gudaha ayaa sheegay raggaan Shabaabka ka tirsan inay laayeen dad shacab ah oo sooman.









