Madaxwayne Siilaanyo oo dhambaal tacsi udiray Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Axmed Cabdilaahi Faarax (Cidhib-barakale)

0

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawlada iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Boqorada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaashada, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Axmed Cabdilaahi Faarax (Cidhib-barakale), oo ku geeriyooday Caawa oo ay taariikhdu tahay 16/06/2016, magaalada Hargeysa.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Chief Caaqilada ugu faca-weyn cuqaashada dalka, kana soo shaqeeyey nabadayntii, dib u dhiskii iyo horumarka dalka, laguna xasuusan doono doorkii waayeelnimo ee u ka soo qaatay wakhtiyadii kala duwanaa ee dalka horumarkiisa iyo taabo gelintiisa lagu hawlanaa.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, boqorada, ugaasyada, salaadiinta, cuqaashada, waxgaradka, waayeelka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.