Hargeysa (Arabsiyo-News):- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadley magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu ka hadley ahmiyada maalinta 26 junne ugu fadhido Somaliland iyo Maalinta 1 July

Waxaa uu sheegay Faysal Cali Waraabe in 26 Junne aanay Somaliland Macno u laheyn isla markaana aanay haboonen in dabaal deg loo sameeyo sidoo kalana waxaa uu gudoomiyuhu sheegay in 1 july ay tahay malintii xoriyadii umada Somaliland la qaatey isla markaana xuska ay dawlada Somaliya u sameynayso aynu inagu dagaal ku qaabilno
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
Arabsiyo Desk
ArabsiyoNews@gmail.com








