DEG DEG :- DAWLADA ETHOPIA OO KA HADASHEY WARIYE AY KA XIDHEEN MAGAALADA WAJAALE IYO SOMALIA OO WARQAD AY KAGA HADLEYSO XADHIGA HCTV U QORTEY

0

Hargeysa (Arabsiyo-News):- Dawlad deeganka Somalida Ethopia ayaa waxaa ay markii ugu horeysay ay ka hadashey wariye Mukhtaar Nuux ibraahim oo dhawaan ciidana  Liyuu Boolisku ka xidheen magaalada Wajaale .

Wasiirka Qurbo jooga Dawlad deeganka Somalida Ethopia  ayaa shabakada Caynabanews  u sheegay in suxufiga lagu magacaabo Mukhtaar Nuux Ibraahim ee  ciidanka Liyuu boolisku ay ka xidheen magaalada Wajaale  danbi lagu soo oogay isla markaana baadhitaano ay ku socdaan hadii wax danbi ahna lagu waayo si deg deg ah xoriyadiisa loogu soo celin doono

Sidoo kale waxaa uu masuulkani uu sheegay in ay xidhiidho ay la soo sameyn haayada Sirdoonka Somaliland  balse masuulkani muu xaqiijin danbiga lagu haysto wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim  waxaanu uu wasiirku si cad uga gaabsade in uu ka hadlo arinta telefishanka HCTV waxaana uu si kooban uu u sheegay in aanu arintaasi waxba ka ogeyn

Dhanka kale warar xog ogaal ah ayaa waxaa ay sheegayaan in dawlada Federaalka ah ee Somaliya ay warqad ay kaga hadleyso xadhga HCTV u qortey dawlada Ethiopia gaar ahaan wasaarada warfaafinta dalkaasi

Arabsiyo Desk

ArabsiyoNews@gmail.com