DEG DEG :- QARAX KA DHACAY HOTEEL KU YAALLA MAGAALADA MOQDISHO

0

Moqdisho (Arabsiyo-News):-  Qarax xooggan oo si aad ah looga maqlay magaalada Muqdisho ayaa goor dhow dhacay Hotelka Naasa ablood ee ku yaalla Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho

Dadka ku nool degmooyinka Hodan, Waabari iyo H/wadaag ayaa sheegaya inay maqleen qarax xooggan oo dhulka la gariiray .

Goob joogayaal ayaa Sheegay  in gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku dhacay afaafka hore ee Hotelka Naasahablood.

Nawaaxiga Hotelka ayaa waxaa ku yaalla goobo ganacsi kala duwan iyo goob shidaalka laga qaato, taasoo suura gal ah inuu waxyeelo ka soo gaadhto.

Lama oga in dabley hubeysan ay gudaha u gashay hotelka qaraxa kadib, iyadoo qaraxa Hotelka Naasahablood uu ku soo aadayo dhowr labaatan cisho kadib weerarkii Hotelka Ambassador ee ku yaalla Wadada Maka Al-Mukarama