Xulka Spain oo jiidhay Turkey iskana xaadiriyey wareega 16 tartanka qaarada Yurub

0

Xulka difaacanaya koobka qaramada Yurub ee Spain ayaa kula biiray xulalka France iyo Italy wareega 16ka Euro 2016 ka dib markii ay si sahlan 3-0 uga takhaluseen xulka Turkiga iyadoo Alvaro Morata uu labo gool dhaliyay halka Nolito uu gool dhaliyay islamarkaana uu caawiye ka ahaa gool kale.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay kuna dhamaatay iyadoo Spain ay kubada inteeda badan heysato, waxaana xulka Turkiga ay ku guuldareysteen inay soo bandhigaan ciyaar isku xiran oo qaabeysan, waxaana ay ku hungoobeen inay adkeeyaan daafacooda taasoo u sahashay in La Roja ay goolal badan ka dhaliyo kulankii caawa.

lXByVZX2RwSjWYB1Wk0y_NOL-620x415

Goolshii dhashay qeybta hore ee ciyaarta ayaa ahaa kuwa isku xigxigay oo Spain ay si wacan u dhistay islamarkaan ay u qalantay marka loo eego fursadihii ay heleen iyado weliba sida ay kubada u heysteen inta badan.

DAQIIQADII 35aad GOOOL!!! Inkastoo lagu dhaleeceeyay qaab ciyaareedkii kulankii hore ee Czech Republic, Alvaro Morata ayaa jawaab la yaqaano ka bixiyay isagoo madax xoogan ku dhaliyay karoos uu soo dhigay saaxiibkiisa weerraka Nolito, waxaana uu hogaanka u dhiibay xulka Spain.

lXByVZX2RwSjWYB1Wk0y_NOL-620x415
DAQIIQADII 37aad GOOOL!!! Labo daqiiqo Spain ayaa heshay goolkeedii labaad ee ciyaarta. Fabregas ayaa kubad ka dulqaaday Topal kaasoo halista celin waayay. Kubada waxa ay u baxday kor waxaana ay lugta u gashay Nolito oo goolka hortaagnaa. Meel lagu qasaariyana ma uusan joogin sidaasi darteed shabaqa ayuu cusjiyay.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 2-0 oo hogaan ay u qalanto ay ku heysay xulka difaacanaya koobkaan ee Spain oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigtay. Bilowgii qeybta labaad Spain waa ay seddexeysatay.

DAQIIQADII 48aad GOOOL!!! Iniesta ayaa kubad cajiib ah u dhex bixiyay Jordi Alba oo goolka u furnaa laakiin waxa uu noqday deeqsi deeqsi dhaafay isagoo kubada u baasay Morata kaasoo shabaqa maran kubada dhex dhigay, waana goolkiisii labaad ee ciyaarta.

Turkiga ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee seddex gool laga dhaliyo tartanka Euro 2016 halka Spain ay noqdeen kooxdii ugu horeysay ee seddex gool ka dhalisa tartanka sannadkaan. Morata ayaa isna dhaliyay goolashiisii shanaad ee 11 kulan uu Spain u saftay.

XAQIIQ: Spain ayaa u baahneyd 21 baasas si ay u dhaliyaan goolka seddexaad, dhamaan ciyaartoyda Spain ayaa ka qeyb qaatay baasaskaas marka laga reebo Pique iyo De Gea.