Arabsiyonews–
Waxa maanta magaalada hargeysa ka da’ay roob mahiigan ah oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.
Waxaana roobkani uu da’ay galinkii danbe ee maanta inyar uun ka hor xiligii afurta,roobka oo watay dabayl iyo calaydh ayaa waxa uu sababay khasaare naf iyo maalba leh.
Wararka ay shabakada Ramaasnews helayso ayaa waxa la sheegay inay roobkani uu sababay dhimashada inta la ogyahy 5 ruux halka ay jiran dhaawacyo, sidoo kalena waxa uu sababay khasaarah maal badan oo u badan guryo iyo dugaano ganacsi.
Dhaawacyada iyo maydadka dadkaas ayaa la sheegay in hada la keenay cusbitaalka wayn ee magaalada hargeysa iyo cusbitaalka Adan Aadan halka dadka ku dhaawacmayna xaaladooda caafimaad lagul tacaalayo cusbitaalada.
Ilaa hada ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay khasaaraha uu sababay roobkani.





Arabsiyo Desk
Arabsiyonews@gmail.com








