Kulan Ay Wada Balan Sanaayeen Masuuliyiinta Gobolka Togdheer Iyo Masuuliyiinta Gobolka Jarar Ee Dalwada Ismaamulka Itoobiya Oo Dib U Dhacay+Wakhtiga Loo Mudeeyey Inuu Dhaco Kulankaasi+Nuxurka Ujeedada Kulanka

0

Arabsiyo News–Gudoomiyaha gobolka togdheer mudane Maxamed Ibraahin Qabo iyow wafti uu hogaminayo ayaa shalay galinkii hore ilaa kii danbe naloo sheegay inay kormeero kala duwan kusoo mareen deegaano badan oo kamida xaduudka Somaliland.

Deegaanada ay kormeerka kusoo mareen masuuliyiintani ayaa waxa  kamid ahaa degaanada Xaaji Saalax.Duruqsi, Balli-dhiig, riyo xidhoandho  dhagax dheer,qandho dhexe oo dhamaantood kamida xuduudka dawlada Somaliland.

Ujeedada kormeerka masuuliyiintan  ayaa ahaa u kuur galiday xaaladaha dad iyo duunyo ee ay ku nool yihiin dadka deeganadaasi ku nooli iyaga oo sidoo kalena masuuliyiintani waraysi kala duwan la yeeshay sida naloo sheegay odayaasha iyo waxgaradka deegaanadaasi.

Sidoo kale Gudoomiyaha gobolka togdheer oo la xidhiidhay gudoomiyaha gobolka jarar oo kamida dawlad deegaanka Somalida itoobiya si ay u kulmaan ugana wada hadlaan masuuliyiintani arinkii ka dhacay balli-dhiig ee ay ku dhaqaaqeen ciidamada News Police-ku ayaa la sheegay inuu dib u dhacay.

Waxaana kulan sababay inuu dib u dhaco sida nalo shegay kadib markii gudoomiyaha jarar ee itoobiya uu sheegay inay ku mashquulsan yihiin arin ka dhacday deegaanadooda oo ay ciidamada UBBO ay ku laayeen ciidamada news police-ka, waxana uu kulankani dib ugu dhacay muddo 4 casho ah kadib.

Gudoomiye Qabbo iyo waftiigii uu hogaminayay ayaa naloo sheegay inay xalay usoo dhaxeen magaalada burco ayna kusoo guryo noqdeen iyaga oo sidoo kalena deegaanada Xaaji Saalax, Duruqsi iyo Balli-dhiigna ay amaankooda sida naloo sheegay la wareegeen ciidamada qaranka Somaliland.