Arabsiyo News—Wararkii u danbeeyey ee naga soo gadhay deegaanka Jaamac Dubad iyo Xaashi Cagoole oo kamida degmada gaashaamo oo ay ciidamada New Police ku xasuuqeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan ayaa waxa laga sheegaya inay hada tahay mid dagan iyada oo sida naloo sheegay aanay jirin wax dhaqdhaqaaqyo ah oo ka socda deegaanadaaas.
Sidoo kalean waxay wararku tibaaxeen inay dawlada itoobiya ay xidhay xadkii u dhaxeeyey somalilnd iyo itoobiya isla markaana aan la ogayn in la galo itobiya waa sida nalo sheegaye, waxaana deegaanadaasi lagu daadiyay ciidamo kuwaasi oo kusoo rogay bandoo isla markaana joojiyay isu socodkii dadka iyo gaadiidka.
Dhanka kalena waxa wararku intaa ku darayan in wafti reer Somaliland oo uu hogaaminayo suldaan Maxamed Xirsi Qani oo ka baxay Somaliland isla markaana iskugu jira saladiin iyo cuqaal una socday hawlo nabadeed ay ku xaniban yihiin xadka u dhaxeeya Somaliland iyo itoobiya isla markaana ay ciidamadu u diideen inay gudaha u galan degaanadii xasuuqa xuni ka dhacay, sidoo kalena waxa iyadu xun khadkii telefoonka oo ay aad u adag tahay inuu galo.
Arabsiyo Desk
Arabsiyonews@gmail.com








