Xabashida Iyo Gumaadka Degmada Jaamac Dubbad – Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

0

Shalay oo ay bisha barakaysan ee Rabadaan ahayd kow, degmada Hawd ku taal ee Jaamac Dubbad waxaa ka dhacay gumaad dadweyne oo noociisu dhif iyo naadir yahay. Guutooyin ka mid ah ciidammada Dawladda Xabashida, oo adeegsanaya malleeshiyada qabyaaladaysan ee loo yaqaanno Leyuu Booliis, wax ay degmadaa ku gumaadeen dhammaan dadkii ku noolaa, rag iyo dumar, carruur iyo cirroole. Waxaa kale oo is la imikadan socda gumaad kaa ka daran oo ay Xabashidu dadweynaha degaanka ku hayso.
Bal malee sababta waxaas oo gumaad ah Xabashidu u geysatay? Ma aha qaddiyad siyaasadeed ama arrin dawladnimo; waxa oo dhami waa ismaandhaaf dhex maray wiilal malleeshiyo Xabashiyeed oo qabiilaysan iyo dadweyaha degamada. Bes. Intaas oo qudha ayaa shacbiga loo gumaaday.
Laakiin ma wax is ka dhacay baa? Dawladda Xabashidu si ay gumaadkan u gu eedowdo horta sideedaba ma eedowdaa? Xeer dawladnimo iyo sharci caalami ah oo Xabashida qabta weligeen miyaynnu aragnay?
Dawladda Xabashidu saddex dhaqan oo dawladnimada dunidu u badan tahay oo la gu hoos noolaan karo midna ma laha.

1) Ma laha dawladnimo xaddaaradeed (qiyaasta Yurub) oo sharciyaysan dadkeeduna la xisaabtami karo.

2) Ma laha dawladnimo qowmiyadeed oo dadka ku wada hoos nooli u siman yihiin xuquuqda iyo waajibaadka, talada haysataa caynka ay doontaba ha ahaatee (sida qiyaasta Shiinaha).

3) Ma laha dawladnimo dhaxaltooyo oo qolo loo og yahay talada haysato, taas oo dadka ku hoos nooli boqortooyada xaq iyo baaddilba xeer iyo nabad ku hoos joogaan (sida boqortooyooyinka carabta). Dunidu iyo aqoonteeda oo dhami haddii ay caawa isu tagto, dalkaa Xabashida la yidhaahdo nadaamka dawladeed ee ka jira wax la gu sheego la garan maayo.

Dawladnimada Xabadhidu waa wax aan sinaba dabiici u ahayn oo ka duwan noocyada dawladnimo ee maanta aadamigu is la yaqaan, waana heer ilbaxnimo oo aad u hooseeya oo ku dhisan cunsurinnimo diineed iyo cunsurinnimo isir oo weliba aad u dambeeya. Ma aha hab dawladnimo oo maanta dunida ka suuroobi kara, waxaa se suurageliyay Reer Galbeedka Masiixiga ah oo 5-tii qarni ee la soo dhaafay dunida awood ku lahaa. Dawladaha caddaanka ee Masiixiga ah ayaa ilaaliya oo tiirarka u haya dawladnimada fadeexadda ah ee Xabashida caawa. Waa siyaasad Masiixi cunsuri ah oo ku jahaysan gumaynta Muslinka Geeska Afrika. Dawladnimada Xabashidu wax kaleba ma aha.

Xaaladda caynkaas u fooshaxun ee Geeska Afrika, awoodda qudha ee u dhigantaa waa Shabaab, kuwaas oo isu arka in ay u halgamayaan ka badbaadinta gaalada muslinka Geeska Afrika. Markaa waa xagjirnimo ku taagan xagjirnimo iyaga u dhiganta. Sidaa darteed reer Galbeedka taageeraya maamulka Xabashida iyo dadka taageeraya Shabaab waa is ku heer.